Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo ku adkeystay inuu Ruushka ka iibsanayo S-400
    Somalia

    Turkiga oo ku adkeystay inuu Ruushka ka iibsanayo S-400

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Turkiga ayaa maanta sheegay in aysan ka laaban doonin goโ€™aanka ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaalka casriga ah ee S-400, xittii haddii uu Mareykanka kusoo rogo cuna-qabateyn.

    Washington ayaa uga digtay xukuumadda Ankara in aysan suurtagal aheyn in gantaallada Ruushka ee S-400 ee tiknoolijiga ku shaqeeya iyo diyaaradaha Mareykanka uu soo saaro ee F-35 ee ay horay uga iibiyeen Turkiga aysan hal meel isla gali karin, sababo la xiriira khatar ku imaan karta nidaamka difaaca dalalka reer Galbeedka.

    Mareykanka wuxuu sheegay in uu hakin doono heshiiska uu Turkiga uga iibinayo ilaa iyo 100 diyaaradood oo ah nuuca F-35 ee dagaalka, isla markaana uu kusoo rogi doono cunaqabateyn, haddii aysan ka baaqsan qorshaha ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaallada S-400.

    Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay, ayaa maanta sheegay in aysan ka laaban doonin heshiiska ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaallada lidka diyaaradaha ee S-400, kuwaas oo lagu wado in Turkiga la geeyo ugu danbeyn bisha July.

    Turkiga iyo Mareykanka oo ah laba waddan oo ka wada tirsan isbaheysiga NATO, ayaa sannadihi dhawaa uu xiriirkoodu sii xumaanayay, waxay hadda aad ugu kala fogyihiin dagaallada Suuriya iyo xiisadda siyaasadeed ee Venezuela. Mareykanka ayaa la saftay mucaaradka, halka Turkiga uu taageeray dowladda madaxweyne Maduro.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.