Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Warmurtiteed kasoo baxay shirkii Wasiirada Qorshaynta Ee Dalka(GHQ)
    Somalia

    Video:-Warmurtiteed kasoo baxay shirkii Wasiirada Qorshaynta Ee Dalka(GHQ)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 7, 2019Updated:May 7, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Horumarinta Qaranka (GHQ) ayaa shirkiisii labaad ee sanadkan 2019-ka ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland, kaas oo furmay Maajo 5, 2019 socdayna illaa Maajo 7, 2019.

    Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin:

    1. Geeddi-socodka Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ahmiyadaha ka soo baxay wareeggi 1-aad ee wadatashiga QHQ 9aad
    2. Hannaanka iyo qaab-dhismeedka naqshadda deeqaha “Aid Architecture”
    3. Mashruuca ILED oo dalka ka dhaqan-geli doona dhawaan;
    4. Waajibaadka iyo qaab-dhismeedka Xafiiska la socodka Mashaariicda Midowga Yurub (NAO) ee dalka ka socda;
    5. Go’aankii Xukuumadda ee ku aaddanaa in hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ay dalka usoo guuraan.
    6. Xaaladda abaaraha iyo roob-yarida dalka ka jirta.

    Shirkan oo socday labo maalmood ayaa waxaa Gollahu bogaadiyey habsami u socodka qorista Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad, isla markaana isla qaatay saddexdii ahmiyadood ee heer qaran ee ka soo baxay wareeggii 1aad ee wadatashiga QHQ 9-aad, kuwaas oo kala ah:

    1. Xoojinta siyaasadda loo dhan yahay;
    2. Horumarinta dhaqaalaha;
    3. Amniga iyo sarraynta sharciga

    Sidoo kale, wuxuu Goluhu isla qaatay lagama
    zmaarmaannimada in dib u eegis lagu sameeyo hannaanka lagu maamulo deeqaha dalka, si taas loo helo, wuxuu Goluhu go’aansaday in shirka soo socda ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum) la hor geeyo nuqul xambaarsan sida uu noqanayo qaabka ama habka loo maamuli doono deeqaha caalamiga ah (Aid Architecture) taas oo ay Goluhu soo diyaarin doono, soona bandhigi doono.
    Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa dhamaan saaxiibada Soomaaliya ka caawiya arrimaha gar gaarka, horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

    Waxaa sidoo kale Goluhu isku raacay:

    1. In ahmiyad gaar ah la siiyo lana dar dar galiyo dhamaystirka Qorshaha Horumarinta Qaranka.
    2. In shirka kan xiga ee Golaha Horumarinta Qaranka lagu qabto caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamarreeb.
    3. In shirarka horumarinta iyo dib-udhiska Soomaaliya (Somali Development and Reconstruction Facility-SDRF), laga dhigo wareegto lagu qabanayo caasimadda dalka iyo caasimadaha dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah,
    4. In Shirka soo socda ee SDRF ka lagu qabto Caasimadda Dawladda Puntland ee Garowe.
    5. In la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo soo raridda hay’adaha aan dawliga ahayn (INGOs), lana hubiyo dhaqan-galinta go’aankii Xukuumadda Federaalka ah ee 4-tii Oktoobar 2018.

    Ugu dambayn, Goluhu wuxuu walaac weyn ka muujiyey roob-yarida sanadkan Gu’ga iyo abaaraha dalka ka jira, sidaas awgeed wuxuu baaq u dirayaa hay’adaha iyo saaxiibada caalamku in ay si deg-deg ah gacan uga geystaan xaaladaha abaareed ee dalka ka taagan, ilaahayna waxaa uga baryaynaa inuu umadiisa usoo naxariisto.

    —Dhammaad—
    Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Puntland.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.