Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hogaamintii Farmaajo oo luntay iyo Khayre oo khatar ku ah Qaranimada!!
    Somalia

    Hogaamintii Farmaajo oo luntay iyo Khayre oo khatar ku ah Qaranimada!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 8, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maalin ka hor ayay ahayd markii ay soo baxday xog hordhac ah oo sheegaysay in uu jiro is afgarad dhexmaray madaxda Somalida ee ku shirsan Garowe.

    Qodobada xogta hordhaca ahayd ay sheegaysay,ayaa waxay kala ahaayeen…

    1.In dib loogu laabto Xeerkii doorashooyinka iyo Batroolka ee ay dhawaan ansixiyeen golaha Wasiirada Dowlada Dhexe.
    2.In Madaxweynaha GALMUDUG Axmed Ducaale Geele Xaaf loogu daro mudo hal snao ah xilhayntiisa.3. In dib loosoo cesho golihii iskaashiga Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
    4.In si wadajir ah loola dagaalamo argagixisada.
    5.In dib loo bilaabo Wadaxaajoodkii Somaliland iyo Dowlada Dhexe.

    Balse is afgaradkaas dib,ayuu ufashilmay kadib markii Ra’isalwasaare Khayre iyo Madaxweyne Farmaajo kulan gaar ah ay yeesheen.

    Sida xogtu nagu soo gaarayso Khayre waxuu ku gacansayray qodobada laysla fahmay mid ka mid ah,kaasoo ahaa qodobka labaad oo dhigaya …..

    2.In Madaxweynaha GALMUDUG Axmed Ducaale Geele Xaaf loogu daro mudo hal sano ah xilhayntiisa Dowlada Dhexe aqoonsato.

    Kulan gaar ah oo ay wada qaateen Xaaf iyo Farmaajo,ayaa isna kusoo idlaaday faashil.

    Madaxweyne Xaaf oo markii horeba ay culays ku saareen madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka in uu dabac kamuujiyo arinta xilhayntiisa,ayaa hada dib uga laabtay dabacaas,isla markaana ku adkaystay doodiisii hore ee ahayd in uu mudo xileedkiisu ka bilaabanayo markii la mideeyay maamulkiisa iyo Ahlusunna.

    Madaxweyne Xaaf waxuu ku doodayaa in GALMUDUG leedahay Dastuur iyo golayaal ku filan hawsheeda,waxa kaliya ee laga rabo madaxda Villa Somaliya ay tahay in ay ka daayaan faragalinta.

    Dooda Xaaf waxaa markii danbe si buuxda ugu raacay garab istaagna umuujiyay Madaxda Dowladaha Jubaland iyo Puntland.

    Ilaa iyo hada majiraan Wax horumar ah oo laga sameeyay wada hadalada,waxayna madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo ay ugu cad-cad yihiin Puntland,Jubaland iyo GALMUDUG ku adkaysanayaan intaan loo gudbin qodobada kale in marka hore xal laga gaaro arinka Galmudug.

    Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo,ayaa umuuqda mid tahli waayay hogaaminta uuna ka saamayn batay ra’isalwasaare Khayre oo umuuqda Nin raba in uu majaxaabiyo Madaxweyne Farmaajo.

    Beesha caalamka oo si dhow ula socota shirka,ayaa cadaadis ku saaraysa dhinacyada in ay sameeyaan tanaasul,isla markaana ay shirka kasoo baxaan go’aamo laysku raacsan yahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.