Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo Dukhayn ku dilay dagaalamayaal Daacish ka tirsan oo fara badan
    Somalia

    Maraykanka oo Dukhayn ku dilay dagaalamayaal Daacish ka tirsan oo fara badan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 11, 2019Updated:May 11, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 13 xubnood oo Daacish-ta Soomaaliya ah ay ku dileen weerar dhinaca Cirka ah oo Arbacadii ka dhacday buuraleyda Golis ee gobolka Bari Puntland.

    Qoraal lagu daabacay Twitter-ka howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in meelaha gantaalada lala helay ay ahaayeen goobaha ay argagixisadu ku qariso hubka, ku sameyso qaraxyada, ku tababartaan kuna abaabulaan ficiladooda wuxushnimada ah.

    Agaasimaha sirdoonka howlgalka Mareykanka ee Afrika Heidi Berg ayaa sheegay in duqeynta ka hor ay xogo soo siiyeen mukhaabaraadkooda, taasoo keentay in la dilo 13 dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Daacish.

    Waxa uu meesha ka saaray in dad Shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka, iyadoo ay nooqneyso duqeyntii 2-aad uu Mareykanka kula eegto Daacish qeybo kamid ah Punland sanadkan 2019.

    Weerarkan kii ka horeeyay oo ka dhacay isla gobolka Bari waxaa lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhuqubed iyo darawalkiisa, Cabdixakiin wuxuu horey uga tirsanaa AlĀ­-Shabaab.

    Halkan ka kahriso:-

    https://twitter.com/USAfricaCommand/status/1126835350817656837
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.