Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo sharaxday sababta ay u hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Nairobi.
    Somalia

    Kenya oo sharaxday sababta ay u hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Nairobi.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay sharraxaad ka bixisay sababtii ay u joojiyeen duullimaadyadii tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iaga goosi jiray, iyadoo ku sheegtay inay la xiriirto arrimo ammaan.

    Agaasimaha hay’ada duullimaadka rayidka ah ee Kenya, Gilbert Kibe ayaa ku sheegay sababta oo joojiyay duullimaadkii tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi arrimo la xiriira amniga.

    Gilbert oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in duulimaadyadaas la hakiyay illaa horraanta bisha Ogoosto ee sannadkan 2019-ka, intaas wixii ka dambeeyana dib u eegis lagu sameyn doono, si looga gaaro go’aan ah in dib loo bilaabo duulimaadyadii tooska ahaa iyo in gebi ahaanba la joojiyo.

    Xukumadda Kenya ayaa dorraad joojisay duullimaadyadii tooska ah ee isaga gooshi jiray Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo diyaaraduhu ay sii mari doonaan garoonka diyaaradaha Wajeer si baaritaanno loogu sameeyo alaabooyinka ay wadaan iyo rakaabka.

    Dowaldda Somalia ayaa waxay ku tilmaamtay go’aankaas mid siyaasadeed oo aan lagu sheegi karin mid amni, inkastoo aysan jirin weli wax go’aan ah oo ay dowladda Somalia ka qaadatay tallaabadaas, iyadoo Kenya uu si toos ah uga yimaadeen Jaadka ama Qaadka oo si aad ah looga cuno Somalia.

    Sidoo kale, waa markii labaad oo Dowladda Kenya ay joojiso duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, waxaana sanadkii 2016-kii Kenya ay ku bixisay amar in duulimadka tooska ah la joojiyo, isla markaana diyaarada ka timaadda Muqdisho lagu baaro Wajeer.

    Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia ayaa waxaa laga sugayaa inay jawaab ka bixiso go’aanka dowladda Kenya ay ku joojisay duullimaadyada toos ah iyo sidoo kale inay ka hadasho sababihii keenay in Kenya ay heshiiskii horay looga gaaray uga baxdo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.