Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo oo la qiimaynayo (Sawirro )
    Somalia

    Wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo oo la qiimaynayo (Sawirro )

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse ayaa saaka kormeer ku tegay wadada u dhexeeya Jalam iyo Xarfo oo qiimayn ku socoto si dib loogu bilaabo mashruucii dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo.

    Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda ayaa lagu sheegay in wasiirku uu kormeer shaq ku tegay wadada u dhexaysa tuulada Jalam iyo degmada Xarfo oo qiimayn ku socoto si dib loogu bilaabo dhismaha laamiga xiriiriya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo gaar ahaanna inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo halkaasi oo laamigu aad uga burburay.

    Wasiirka iyo khubaro la socotay ayaa kormeeray habka loo wado qiimeynta lagu sameynayo wadada waxaana ay xog-wareysi la yeesheen khubarada gacanta ku haya qiimeynta wadadaasi oo la qorshaynayo in dhowaan dib loo bilaabo dhismaheeda.

    Masaafada la doonayo in dib loo dhiso waa 80km oo ka tirsan laamiga Garoowe_Gaalkacyo waana inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo halkaasi oo uu aad uga burburay laamiga.

    Dowladda Jarmalka oo ku deeqday mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa 8 September 2018 ku dhawaaqday in ay joojisay mashruucasi kadib markii ay sheegtay in la musuq maasuqay.

    Balse Jarmalka ayaa mar kale 7 April ee sannadkan ballan-qaaday in uu dib u bilaabayo dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo kadib markii safiiradda u fadhida magaalada Muqdisho ay socdaal ku timid Puntland. 

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.