Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ka leh wax ka bedelka sharciga iibka Qaranka
    Somalia

    Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ka leh wax ka bedelka sharciga iibka Qaranka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 22, 2019Updated:May 22, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 22/5/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

    Ajendaha Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Maanta ayaa ah  horgaynta wax ka bedelka sharciga iibka Qaranka, oo mari doono Akhrinta 1-aad.

    Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan si Akhrinta 1aad loo marsiiyo wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka.

    Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Isniintii waxaa ay ansixiyeen Sharciga Batroolka dalka oo aad looga dooday kullamdii ugu dambeeyay wallow inta badan Madaxda Dowlad goboleedyada ay kasoo horjeedaan.

    Dhinaca kale warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Kulanka Xildhibaanada qaarkood ay ku soo hadal qaadaan xiriirka xilligaan sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan arimaha Fiisaha loo diiday diblumaasiyiinta Soomaaliyeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.