Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wargeyska The Star: Waxaa socda qorshe Ciidamada Kenya looga saarayo Somaliya oo Itoobiyaan lagu bedelaayo
    Somalia

    Wargeyska The Star: Waxaa socda qorshe Ciidamada Kenya looga saarayo Somaliya oo Itoobiyaan lagu bedelaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xilli uu jiro Khilaaf dhana Diblumaasiyadda ah oo ka dhaxeeya dalalka Somaliya & Kenya ayaa Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalkaasi Kenya wuxuu qoray warbixin uu kaga hadlaayo inuu socdo qorshe la doonaayo in Ciidamada Kenya looga saaro Somaliya, laguna bedelo kuwa Itoobiya.

    Warbixinta Wargeyska uu qoray ayaa waxa uu ku sheegay qorshaha la doonaayo in Ciidamada Kenya looga saaro Somaliya inuu wado Agaasime Ku xigeenka Nabad Suggida Somaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haysta Baasaboorka dalka Kenya.

    Wargeyska ayaa sheegay in la doonaayo Ciidamo Itoobiyaan aanan ka tirsaneyn hawlgalka Amisom in lagu wareejiyo Dakadda & Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, islamarkaana laga saaro Ciidamada Kenyatigga ee hadda ku sugan.

    Sidoo kale Wargeyska ayaa sheegay madaxda dowladda inay doonayaan shaqsi ay wataan inay geeyaan Maamulka Jubbaland oo dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Doorashada Maamulkaasi.

    Maqaalka ayaa intaas ku daray in haddii sida Fahad iyo Farmaajo wax u wadaan ay u dhacdo meeshana laga saaro Axmed Madoobe ay danaha Kenya ee Soomaaliya halis galayaan.

    Wargeyska ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya oo uu ugu sarreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ay doonayaan in Ciidamada Burundi, Uganda iyo Kenya isaga baxaan Amisom, islamarkaana Maamulka Jubbaland loo dhiibo qof aan ahayn Axmed Madoobe oo xulafo dhow la ah Kenya.

    Kenya ayaa dhawaan dib u soo celisay saddex masuul oo Somali ah, kadib markii ay u diiday inay ugu dhufato Viisaha dal ku galka Kenya, taasi oo keentay bilowga xiriir aan wanaagsaneyn oo labada dal ka dhex bilowda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.