Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso – Galmudug oo go’aan cad ka qaadatay DFS
    Somalia

    Akhriso – Galmudug oo go’aan cad ka qaadatay DFS

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 30, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamul-goboleedka Galmudug ayaa wuxuu caddeeyay goโ€™aan cad oo uu ka qaatay dowladda federaalka Somalia, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf lagu sheegay inay joojiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeysay Dowladda Somalia.

    Qoraalka Galmudug ayaa lagu xusay inaysan dib u soo celn doonin xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe tan iyo inta laga xallinayo khilaafaadyada u dhexeeya labadooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin; dhameystirka dastuurka, doorshooyinka, federaaleynta iyo amniga guud ee Qaranka.

    Dowladda dhexe ee Somalia iyo maamulka Galmudug ayaa dhawaanahaan waxaa u dhexeeyay muran meel sare gaaray, iyadoo murankan uu salka ku hayo xilliga ay dhacayso doorashada cusub ee maamulka Galmudug oo ka mid ah maamulada ka jira dalka.

    Xukuumadda Somalia ayaa ku adkeysanaysa in doorashooyinku ay dhacaan sannadkan dhammaadkiisa, halka madaxweynaha galmudug Xaaf uu qabo in doorashadu ay dhacayso saddex sano kaddib, iyadoo murankan aan weli laga gaarin wax xal ah.

    Ugu dambeyn, Tallaabada uu qaaday maamulka Galmudug ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu qaatay tallaabo uu xiriirka wada-shaqeyneed ugu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.