Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirwayne ka dhan ah Somaliland oo ka furmaya Badhan
    Somalia

    Shirwayne ka dhan ah Somaliland oo ka furmaya Badhan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga diyaar garoobayo, shir weyne looga arrinsanayo fara-gelinta iyo dhul-ballaadhsiga uu maamulka Somaliland ku hayo gobolka Sanaag.

    Xubno ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo xukuumadda Puntland, siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil ciidan, cuqaal, nabaddoono, salaadiin, ganacsato  iyo culimaaโ€™uddiin isaga yimid degaannada kala geddisan ee gobolka Sanaag, ayaa kulamo kala duwan ku yeelanaya magaalada Badhan, iyagoo u sii diyaar garoobaya shir weynaha degmadaasi ka dhici doona maalmaha soo socda.

    Wasiirada Badhan ku sugan waxaa kamid ah: Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, wasiiru-dowlaha Degaanka, Cabdirashiid Geelle, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha,Maxamed Musaddiq, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdisalaan Siciid Faarax iyo wasiir ku xigeenka Duulista hawada iyo garoomada marwo Sucaad Saalax Nuur.

    Sidoo kale waxa magaalada ku sugan guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo, Xil. Cali Axmed Dhahar, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil. Axmed Cabdi Jaamac, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland, ganacsato, xubnaha Qurba-joogta degaanka, siyaasiyiin hore, aqoonyahanno iyo  hoggaanka dhaqanka oo isaga yimid magaalooyinka Damalla-xagarre, Xiingalool, Ceelbuh, Midigale, Buraan iyo Hadaaftimo.

    Waxa kale oo la filaa in maalmaha soo socda ay degmada Badhan yimaadaan waxgarad, ganacsato iyo salaadiinta dhaqanka oo ka kala imaanaya  magaalooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, Dhahar iyo degaaanno kale.

    Shirweynaha ka furmayaa magaalada Badhan, ayaan weli si rasmiya loo shaacin wakhtiga la qabanayo, balse haatan inta badan wufuuddii shirka ka qeyb-gelaysay ayaa ku wada-sugan gudaha Badhan, marka laga wufuud laga sugayo degmooyinka Ceerigaabo, Yubbe, Laasqoray, Dhahar iyo degaaanno kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.