Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxwayne Farmaajo oo la xisaabtamay Maamulka G. Banaadir ( Daawo )
    Somalia

    Madaxwayne Farmaajo oo la xisaabtamay Maamulka G. Banaadir ( Daawo )

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 14, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo udub-dhexaad u ah horumarka iyo sare u qaadidda heerka nololeed ee muwaadiniinta, laguna shaqeeyo waddaniyad, hufnaan iyo maamul wanaag.

    โ€œWaxaa la idinka doonayaa in aad xaqiijisaan dib u dhiska kaabeyaasha nolosha, bilic soo celinta caasimadda iyo adeegyada bulshada. Waxa kaloo muhiim ah inaad ku dadaashaan la dagaallanka musuqmaasuqa, kana fogaataan qabyaaladda iyo eexda.โ€

    Sidoo kale, Madaxweyanaha ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay xoogga saaraan daris wanaagga bulshada Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan shacabka.

    Dhankooda, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha waxqabadka sannadkii tagay ee 2018 iyo waxqabadka qeybta hore ee sanadkan, iyadoo Madaxweynuhu uu suโ€™aallo ka weydiiyey hannaanka fulinta qorsheyaasha cusub iyo caqabadaha jira.

    Xubnaha ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ee ka qayb galay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow), Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka mid ah Guddiga Abaabulka iyo Wacyigalinta Qaranka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.