Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Donald Trump oo amray in la weeraro Iran, kaddibna ka laabtay
    Somalia

    Donald Trump oo amray in la weeraro Iran, kaddibna ka laabtay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in diyaaradaha Militariga Mareykanku ay duqeeyaan Iiraan,sida ay baahinayaan warbaahinada Caalamka.

    War Qoraal ah oo uu daabacay Wargeyska Newyork Times, ayaa sheegaya in madaxweyne Trump uu bixiyay awaamiir la xiriirta duqeymo ka dhan ah Iiraan,balse uu dib uga laabtay goโ€™aankaasi markii ay diyaaraha dagaalku ay hawada galeen, ayna isku diyaariyeen duulaanka Iiraan.

    Sidoo kale maraakiibta dagaalka Mareykanka ayaa dagaal u diyaar garoobey,ilaa iyo haatan Lama oga sababta goโ€™aankaasi uu u qaatay Trump,balse wararka ayaa sheegaya in aysan la qabin Wasiirka Arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo Johon Bolton oo ah,lataliyhaha amniga ee Trump.

    Inkastoo xiisada Mareykanka iyo Iiiraan ay soo jiitamaysay, ayaa hadana Mareykanku ka carooday diyaarad ay lahayn Washington oo ay soo riiday Iiiraan,iyadoo ku sheegtay in si gardarro ah ku soo gashey hawada dalkeeda,diyaaradaasi oo la sheegay in qiimaheedu uu ku fadhiyay 130 Milyen oo Dollar.

    Madaxweynaah Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xaruumaha uu amray in la duqeeyo waxaa kamid ah,dhismayaasha Raadeerka,iyo kuwo Militari,balse iiraan ayaa sheegtay in ay is difaacayso ayna ka gorgortamin arrimaha qadiyada dalkeeda.

    Dhanka kale Nanci Palosi oo ah Guddoomiyaha Aqalka Congress-ka ee Mareykanka ayaa ugu baaqaday Trump in uu ka digtoonaado in uu isku sii furo xaalado cakiran,waxaana ay xustay in Mareykanku uusan haatan diyaar u ahayn dagaal lala galo dalka Iiraan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.