Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo ka socda Sh/hoose
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo ka socda Sh/hoose

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 23, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

    Howlgalkaas ayaa waxaa horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali( Najax) ,waxana Ciidamada ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka xarshanleey,sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

    โ€œHawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka sidoo kale waxaan bogaadinayaa ciidamada DANAB oo nabad diidka ka saaray deegaanka ceel saliini ee degmada MARKA ayuu yiri guddoomiye Najax.

    Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in howlgalalda ay Ciidamada Dowladda ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka saarayaan.

    Si kastaba howlgalkan ay Ciidamada Dowladda kula wareegeen deegaano Cusub ayaa kusoo aadaya xilli shalay howlgal ay ciidamada DANAB ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Marka ay kula wareegeen deegaanka Ceel-Saliine ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.