Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xisbiga Sheekh Shariif oo War kasoo saaray Xaalada Galmudug
    Somalia

    Xisbiga Sheekh Shariif oo War kasoo saaray Xaalada Galmudug

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran oo uu Hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa looga hadlay Xaaladda kacsan degaanada maamulka Galmudug.

    Xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay joojiso faragalinta ay ku heyso maamulka Galmudug.

    Warka kasoo baxay Himilo Qaran ayaa siddan u qornaa:

    Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka walaacsanyahay saamaynta dhaqdhaqaaqyada siyaaseed ee baryahan dambe ka aloosan deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug.

    Dadka kunool Dowlad goboleedka Galmudug waxay muddo kunnaalloonayeen nabad-gelyo iyo xasillooni toos oo baahan in la xoojiyo lana mideeyo awoodda dadka deegaanka si loo adkeeyo dowladnimada.

    Xisbigu wuxuu bogaadinayaa dul-qaadka iyo xil-kasnimada dadka reer Galmudug wuxuuna ku kalsoonyahay in ay kuguuleysan karaan xal u helidda xiisadda hadda kataagan Galmudug.
    Xisbigu wuxuu ka digayaa faro-gelinta sharci-darrada ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kuhayso maamul goboleedyada guud ahaan taasoo ay caado kadhigatay, wuxuuna Xisbigu ugu baaqayaa Xukuumadda Federaalka in ay joojiso kana waantowdo arrintaas.

    Xisbiga Himilo Qaran wuxuu kubaaqayaa:

    In Siyaasiyiinta, Odiyaasha Dhaqanka, Culumaaโ€™udiinka, Wax-garadka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug ay ilaaliyaan midnimada iyo xasilloonida si looga fogaado wax walbaoo dhalinkara inuu daato dhiig-sokeeye.

    In Xukuumadda Federaalku ay ka fogaato faro-gelin kasta oo horeseedi karta kala qaybin iyo iskahorimaad bulshada dhexdeeda ah, iyo in ay ka dheeraato wax walba oo keeni kara khalkhal-gelinta nabad-gelyada iyo xasilloonida deegaanada Galmudug.

    In dhammaan dhinacyada ay khuseyso xiisadda hadda ka taagan Galmudug ay dhowraan shuruucda iyo heshiisyada lagu dhisay Dowlad Goboleedka Galmudug.

    Ugu dambeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soodhaweynayaa dadaal kasta oo looga golleeyahay isu soodhaweynta iyo xoojinta wada jirka Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.