Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Puntland oo maanta Su’aalo weydiinaya Wasiirka Amniga
    Somalia

    Baarlamaanka Puntland oo maanta Su’aalo weydiinaya Wasiirka Amniga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa maanta hor-tagaya Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, isagoona suโ€™aalo laga weydiin doono Xaalada amni ee Degaanada Puntland.

    Wasiirka amniga Puntland ayaa la filayaa in si gaar ah ay wax uga weydiiyaan Xildhibaanadu fashilada hareeyay dadaaladii amni ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, halkaas oo Wasiirku uu in muddo ahba ku sugnaa.

    Guddiga Nabad-galyada iyo Amniga Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, oo dhowaan warbixin u gudbiyay Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan Dastuur jabin iyo inuu Hubeeyay Dhalinyaro arday ah, kuwaas oo sababay Xaalado amni darro oo ka jira Gobalka Bari.

    Sidoo kale, Guddiga ayaa Wasiirka amniga Puntland ku eedeyay qaadista lacago sharci daro ah oo aan waafaqsaneyn nidaamka Maaliyadeed ee Puntland, iyo Wadashaqayn laโ€™aan Hayโ€™adaha amniga qaarkood oo cabasho ka keenay.

    Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.