Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DEG-DEG: Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku wajahan Cadaado iyo Villa Somalia
    Somalia

    DEG-DEG: Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku wajahan Cadaado iyo Villa Somalia

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa kulan kula leh Magaalada Dhuusa-mareeb xubnaha Hoggaanka Ahlusunna, kuwaas oo ay ka wada-hadlayaan xaalada siyaasadeed ee ay gashay Galmudug.

    Kulanka oo ah mid balaaran ayaa u dhexeeya Raโ€™iisul Wasaare Kheye oo ay wehlinayaan Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Amniga, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanka iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah Hoggaamiyaha Kooxda Ahlusuna iyo Sheekh Maxamed Shaakir.

    Wararka ayaa sheegaya in la isku soo qaaday sidii dib u heshiisiin loo bilaabi lahaa, lana isku keeni lahaa dadka reer Galmudug, si xaalada loo dejiyo.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay wax ka bedeshay qorshaha ay ka damacsaneyd Galmudug oo markii hore loo arkayay inay hal dhinac la macaamileysay, balse ay haatan bilowday isku day dhinacyada Galmudug ula xaajooneyso, si xiisada siyaasadeed ee jirta loo xaliyo.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Cali Kheyre uu safar dhulka ah ku tagayo Magaalada Cadaado oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wafdi Xildhibaano ka yimid Muqdisho oo uu horkacayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare.

    Xiisada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay cirka gashay, kaddib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka baxay Dhuusamareeb, kuna dhawaaqay inuu buray heshiiskii Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.