Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kiiskii Caa’isho Ilyaas oo muran cusub lugaha la galay & Deni oo amray
    Somalia

    Kiiskii Caa’isho Ilyaas oo muran cusub lugaha la galay & Deni oo amray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maalmo kahor amar ku bixiyay in Xabsiga la dhigo Taliyihii Laanta CID-da Puntland ee Gobalka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, kaas oo haatan ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe.

     Taliyaha la xiray ayaa lagu heystaa inuu bixiyay Macluumaad la xariira Baaritaankii Kiiskii Caaโ€™isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 jir lagu kufsaday Gaalkacyo bishii Febaraayo, kuwaas oo shaki gelin kara sax ahaanshaha xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Saddexda Eedeysane ee loo heysto inay ka dambeeyeen Kiiska.

    Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu aad uga carooday talaabada uu ku kacay Col. Abshir, isagoona amar ku bixiyay in xabsiga loo taxaabo, sidoo kalena lagu sameeyo baaris.

    Qareennada Difaacaya saddexda eedaysane ayaa marar kala duwan ku dooday in hannaanka loo baaray kiiska Caaโ€™isha ee adeegsiga dheecaanka hidde-sidaha DNA aan macluumaad buuxa laga bixin taasina ay shaki gelinayso xukunka ku dhacay eedaysanayaasha.

    Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa muddo Saddex jeer ah dib u dhigtay dhageysiga Kiiska Caaโ€™isho Ilyaas, oo horey Eedeynayaashu racfaan uga qaateen xukun dil ah oo ay ku riday Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobalka Nugaal.

    Maxkamadda ayaa la filayaa in maalinta sabtida ah ee soo socota ay dhageysato mar kale Dacwadda rafcaanka, Iyadoona go,aan ka gaari doonta kiiska oo ah mid lugaha haatan lasii galaya Murano badan.

    Si kastaba ha ahaatee, Falkii afduubka, kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caaโ€™isho ilyaas aadan ayaa degaanada Puntland ka dhaliyay caro fara badan, iyadoona ay jireen banaan-baxyo hareeyay dalka, waxaana si weyn haatan isha loogu hayaa Go,aanka Maxkamadda racfaanku ay ka qaadan doonto Kiiska.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.