Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamadda Racfaanka oo go,aan ka gaareysa Kiiska Caa’isho Ilyaas
    Somalia

    Maxkamadda Racfaanka oo go,aan ka gaareysa Kiiska Caa’isho Ilyaas

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 29, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa maanta mar kale u fariisanaysa Dhageysiga Racfaanka Dacwadda Kiiskii Caaโ€™isho Ilyaas aadan oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah fal afduub, kufsi iyo dil ah loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

    Qareenada u dooday Saddex Eedeysane ee loo heysto Kiiska oo horey Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobalka Nugaal ugu soo riday xukun dil ah, ayaa sabtidii hore hortagay Maxkamadda, Iyagoona akhriyay Racfaankooda.

    Sidoo kale, Xeer Ilaalinta Dowladda Puntland ayaa Maxkamadda Racfaanka kahor jeedisay eedeynta Saddex nin ee loo heysto Kiiska Caaโ€™isho, iyadoona intaas kaddib ay Maxkamaddu u balantay maalinimadii axada, wallow labo jeer ay Maxkamadda Racfaanku ay dib u dhigtay.

    Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa la filayaa inay maanta go,aan ka gaarto, sida ay inoo sheegeen howlwadeeno kamid ah Maxkamadda, wallow ay wax is bedeli karaan.

    Fadhiga Maxkamadda Racfaanka ee maanta ayaa imaanaya xilli asbuucii lasoo dhaafay gudihiisii xabsiga loo taxaabay Taliyihii Laanta CID-da Puntland ee Gobalka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, kaas oo loo heyso inuu bixiyay Macluumaad la xariira Baaritaankii Kiiskii Caaโ€™isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 jir lagu kufsaday Gaalkacyo bishii Febaraayo, waxaana xariga Taliyaha amray Madaxweyne Deni.

    Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.