Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»LIBYA: Illaa 40 Muhaajiriin ah oo lagu xasuuqay Tripoli
    Somalia

    LIBYA: Illaa 40 Muhaajiriin ah oo lagu xasuuqay Tripoli

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 3, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan 40 muhaajir oo kasoo jeeda qaar ka mida dalalka Africa ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib marki xalay madaafiic lagu garaacay xero ay ku jireen dad muhaajiriin ah oo ku taalla dueedka magaalada Tripoli ee dalka Libya.

    Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Libya ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libya ay intaasi ka badnaan karto. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay shaqaalaha gargaarka dag dagga ah ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah.

    Bayaan kasoo baxay Dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay ee Libya ayaa lagu cambaareeyay weerarka. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka danbeeyo janaraalka awoodda badan ee Khalifar Haftar.

    Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta lagu hayay dadka muhaajiriinta ah ee Libya.

    Sidoo kale wali ma aysan soo bixin faah-faahin ku saabsan dalalka ay u kala dhasheen muhaajiriinti xalay lagu dilay dalka Libya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.