Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo oo loo diiday inay kasoo degto Garoonka Garoowe (Akhriso)
    Somalia

    Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo oo loo diiday inay kasoo degto Garoonka Garoowe (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 7, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa ugu hanjabtey Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines in gabi ahaan-ba aysan wax duulimaad ah ka samayn doonin Degaanada Puntland, kaddib markii dalab ay Shirkaddu u gudbisay Wasaaradda.

    Shirkadda Daallo Airline ayaa la sheegay in Madaxda Wasaaradda ay u soo gudbisay codsi ku aadan in loo ogalaado in duulimaadyadeed qaar ay u soo wareejiso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, maadama Duruufo dhanka cimilladda ah ay billahaan kasoo wajahay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

    Wararka ayaa sheegay in Madaxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ay iska diideen Codsiga Shirkadda Daallo ayna ku wargeliyeen in aysan marnaba ka ogalaan doonin in dulimaadyo ay ka sameyso Garoonka Diyaaradaha Garoowe.

    Lama oga sababta keentay Go,aanka Madaxda Wasaaradda, balse warar soo baxaya ayaa Sheegaya in Talaabada Wasaaradda ay ku lug lee yihiin Qaar kamid ah Saaxiibada Madaxweyne Deni oo qeyb ku leh Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba, kuwaas oo doonaya in aan lagu qabsan Jubba duulimaadyada Caasimadda Puntland ee Garoowe.

    Maxaa Sababay Dalabka Shirkadda Daallo ?

    Shirkadda Daallo Airline oo kaalinta koowaad kaga jirta diyaaraddaha ay Soomaalidu leedahay ayaa ruqsad u haysataa isticmaalka garoomadda diyaaradaha Puntland,waxayna haatan wajahaysaa Duruufo adag oo ku aadan Duulimaadyada ay ugu kala gooshto Magaalada Boosaaso.

    Duulimaadka Shirkaddu ay sameyso ee Boosaaso-Dubia, ayaa xilliga oo kala geddisan awgii waxay diyaaraddu dhibaato xoogan kala kulantaa dabaylaha dabiiciga ah ee badda ka dhacaya,gaar ahaana bilaha March illaa July,kuwaas oo bishii lasoo dhaafey labo goor oo kala duwan halis galiyay nafta dadka iyo diyaaraddaba.

    Dabeylahan halista badan oo dhaca galinka horre ee maalintii, ayaa sababay in diyaaraddu ay bixiso Kumaanaan dollar oo ku aadan inay muddo saacado ah kusii jirto baakin Airport-ka Dubai, maadama jadwalka Diyaaradda ee duulimaadyadda Dubai-Boosaaso uu yahay 6:00aroornimo,imaatinkeeda Bosaso-na uu yahay 8:00 aroornimo.

    Waxaana jira welwel sababi kara in Shirkaddu duulimaadkeeda inay u weeciso Garoomada Muqdisho iyo Hargeysa si loo badbaadiyo rakaabka iyo diyaaraddaba madaama laga diidey codsigeedii ku qotomay bilaha June illaa July oo badda ay ka dhacaan dabeylo xoogan oo muddo sii socon doona in si kumeel gaar ah diyaaradaheedu uga soo dagaan Garoonka Garoowe.

    Lama oga inuu gaadhey iyo in kaleeto Madaxweynaha Puntland ismarin-waaga u dhaxeeya Shirkadda DAALLO iyo Madaxda Wasaaradda Duulista.

    Puntland ayaa Cawaaqib adag kala kulmi doonta hadii Shirkadda Daallo ay weeciso Duulimaadyadeeda Degaanada Puntland, Iyadoonta taas ay meesha ka saareyso sharciyadda Ganacsiga xorta, dhakhligii dowladda uga soo xeroon jirey iyo suluug ku yimaada Maalgashiga iyo adeegyadda Garoomada diyaaradaha ee Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.