Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM “Puntland waa hormuudka Soomaaliya” (War-saxaafadeed)
    Somalia

    QM “Puntland waa hormuudka Soomaaliya” (War-saxaafadeed)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya (UNSOM,) oo looga warbixiyay socdaalkii shalay uu Garoowe ku yimid wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu amaanay doorka shariifka ah ee madaxdii kala dambaysay ee Puntland ay ka ciyaartay, dib u-dhiska dowlanimada Soomaaliya iyo hirgelinta hannaanka Federaalka tan iyo markii la aas’aasay Puntland sannadkii 1998-dii.

    “Wuxuu doortay in Garowe ay noqoto halka ugu horreyso ee uu booqdo ee ka baxsan magaalo madaxda qaranka sababtoo ah Puntland waxaa dhidibada loo aasay 1998-kii, taas oo ka dhigeysa dowlad goboleedka ugu faca weyn Soomaaliya ee federal ah. Madaxdeedu waxay dowr muhiim ah ka cayaareen oo ay gacan ka geysteen horumarka socdo ee hanaanka federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Af-Soomaali ku qoran oo ka soo baxay UNSOM.

    War-saxaafadeedka waxaa kale oo lagu sheegay, in Mr Swan uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay shaqada hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ay ka hayaan degaannada Puntland oo isugu jira kaalmada banii’aadanimo ee xaaladaha deg deg ah iyo mashaariicda horumarineed ee mudada dhexe iyo mudada fog, waxaana lagu xusay in hawlgallada Qaramada Midoobay iyo sanduuqyadeeda maal-gelinta ay gacan ka geysteen dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha dowladda Puntland iyo sarreynta sharciga.

    “Md. Swan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda iyo ku-haboonaanta ay leedahay shaqada bahda QM ay hawlo kala-duwan oo ballaaran uga hayaan Puntland, hawlahaas oo iskugu jira kaalmada bani’aadanimo ee xaaladaha degdega ah ilaa mashaariicda horumarineed ee muddada dhexe iyo muddada fog. Hawlgallada QM iyo hay’adeheeda, sanduuqyadeeda maal-gelinta, iyo barnaamijyadeeda waxay gacan ga geysteen dadaallada ay hay’adaha Puntland ku horumarinayaan tayada hay’adaha, ku xoojinayaan sarreynta sharciga, ku hagaajinayaan horumarinta waaxda hab-nololeedka (livelihood sector), ku fududaynayaan dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, iyo hawlaha kaleba” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka.

    Ugu dambeyntii, War-saxaafadeedka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo qaaday xiisadda u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ee ka jirta gobollada Sool iyo Sanaag, taasi oo ay shalay ka wada-hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaana sida war-saxaafadeedka ku cad uu Mr Swan walaac ka muujiyay xiisadda sii kordhaysa ee ka aloosan Sool iyo Sanaag, isagoo madaxda Puntland iyo Somaliland ku boorriyay in ay xal u raadiyaan khilaafkaasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.