Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Axmed Karaash oo si diiran loogu soo dhaweeyay Qardho
    Somalia

    VIDEO: Axmed Karaash oo si diiran loogu soo dhaweeyay Qardho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

    Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacabka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa shacabka iyo masuuliyiinta gobolka Karkaar uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo weftigiisa, waxa uu xusay in hidde iyo dhaqan ay shacabka reer Qardhood u leeyihiin qaabiladda habmaamuuskeedu sareeyo ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa.

    Sidoo kale Madaxweyne Karaash oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa tilmaamay in saldhiggiisu yahay is xogwaraysi, korjoogtayn iyo in dowladda dhexe qiimayso xaaladda dalka, sida shaqooyinku u socdaan iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/2209159759375049/

    Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Qardho uu kasoo shaqeeyey xiiliyo kala duwan, waxaana uu hoosta ka xariiqay in haddana uu diyaar u yahay ka shaqaynta horumarkeeda iyo dhismaha dowladnimadeeda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.