Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Sacad oo hor istaagtay qorshihii Ra’iisulwasaare Kheyre ee Galmudug (War-murtiyeed)
    Somalia

    Beesha Sacad oo hor istaagtay qorshihii Ra’iisulwasaare Kheyre ee Galmudug (War-murtiyeed)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 14, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa carqalad cusub kala kulmaya dadaaladii uu ka waday deegaanada Galmudug, si dhiso Maamulka Galmudug oo lagu mideysan yahay, lana soo afjaro xiisadaha siyaasadeed ee ka jiray deegaanadaas.

    War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirweyne Beesha Sacad uga socday Koofur Gaalkacyo, waxaana shirka isugu yimid, waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha ku matala dowladda Federaalka.

    Shirkan ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban shan bog, iyadoo Beesha ay cadeysay inay taageersan tahay shirka Nabadda Hobyo ee horay loogu baaqay, iyadoo shirkan ay caqabad u arkeysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, maadaama uu sii dheereynayo dhismaha Maamulka Galmudug.

    Sidoo kale War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in la isku waafaqay in magaalada Gaalkacyo ay noqoto gogosha shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug, maadaama Madaxweyne Farmaajo uu horay uga dhagax dhigay Gaalkacyo xarunta Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Galmudug.

    Dhanka kale, War-murtiyeed lagu sheegay in doorashada Galmudug loo madax banaaneeyo Beelaha Galmudug iyo waxgaradkooda, ayna Guddiyada maamulaya si madax banaan ay beelaha iska soo xushaan, isla markaana doorashada ay ka dhacdo goob ay u siman yihiin dadka reer Galmudug, heshiisna lagu wada yahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.