Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Koonfur Galbeed oo digniin u dirtay Ergadii soo xulay BFS
    Somalia

    Koonfur Galbeed oo digniin u dirtay Ergadii soo xulay BFS

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska Ciidanka gaarka ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa digniin adag u diray Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay dhawaan u yeereen Al-Shabaab, kaddib kulan looga hadlayo amniga oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

    Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Taliska Booliska,waxaana digniin loogu diray ergada soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya si aysan u qaadan amarkii dhawaan ay Al-Shabaab Ergada ugu yeereen deegaanadooda.

    Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Booliska Koonfur Galbeed Kornmeel Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Amarka kasoo baxay  Al-Shabaab ay ka leeyihiin laba u jeedo oo kala ah inay lacag farabadan ka qaadaan Odayaasha ama ay weeydiiyaan in uu iibiyaan Hub ay ku dagaalamaan.

    Waxaa uu sheegay in Ergada qaarkood ay qaateen amarkii Al-Shabaab oo ay tageen deegaanadooda kuwo kalena ay amarkaas diideen,waxaana uu sheegay in qof alaala qofkii qaata Amarka Al-Shabaab ay Xabsiga dhigi doonaan,isla markaana tallaabo ay ka qaadayaan.

    โ€œErgada loo yeeray qaar waa ay diideen qaarna waa ay ogolaadeen,kuwii ogolaaday,waxaana leeyahay Magalada baydhabo kusoo noqon meysaan Shabaab baa tihiin,hadii aad soo laabataana Xabsiga ayaan idin dhigeynaa ayuu yiri Taliska Booliska Maamulka Koonfur Galbeedโ€.

    Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa xilligaan waxaa ay wajahayaan culeyso waaweyn, iyada oo hanjabaad ay uga kala imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Ururka Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.