Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo ka hadlay Doorashada Jubbaland (War-saxaafadeed)
    Somalia

    Mareykanka oo ka hadlay Doorashada Jubbaland (War-saxaafadeed)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 6, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin ka bixisay kulan shalay Muqdisho ku dhex maray kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale iyo raโ€™iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Bayaan ay soo saartay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Morgan Ortagus, ayaa lagu sheegay in Hale uu dib u xaqiijiyey ballanta adag ee Mareykanka uu Soomaaliya uga caawinayo dadaallada is-beddellada siyaasadeed, horumarinta dhaqaale iyo xasillooniada.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay in raโ€™iisul wasaare Kheyre uu Hale xog ka siiyey horumarada Soomaaliya ay dhowaan ka sameysay dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyo inay kasoo baxdo shuruudaha deyn cafinta, taasi oo Soomaaliya u ogolaan laheyd inay dib u billowdo inay deyn ka qaadato hayโ€™adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

    David Hale ayaa muujiyey inuu rajeynayo doorasho nabdoon oo lagu kalsoon karo oo ka dhacda maamulka Jubaland, dabayaaqada bishan, wuxuuna dhiiri-geliyey horumarka ogolaan doono in doorasho qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya sanadka dambe.

    Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda howl-gallada amni ee lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab haystaan iyo diyaarinta ciidamo Soomaaliyeed oo kala wareega Amisom.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.