Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ahna Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa shaki geliyay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isagoo suโaal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug.
Qoraal ka soo baxay Sheekh Shaakir oo loo diray Raโiisul Wasaare Kheyre, laguna ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa looga dalbaday inay jawaab degdeg ah looga keeno arrimo socda oo ka baxsan heshiiskii horay ay Ahlusuna ula gashay dowladda Federaalka, gaar ahaan Raโiisul Wasaaraha.

