Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM, AU & IGAD oo War kasoo saaray Doorashada Jubbaland (Akhriso)
    Somalia

    QM, AU & IGAD oo War kasoo saaray Doorashada Jubbaland (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 15, 2019Updated:August 15, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-saxaafadeed si wadajir ah ay u soo saareen Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD oo maanta booqday Magaalada Kismaayo, ayaa ka digay sii socoshada khilaafaadka ka jira doorashada Jubbaland.

    Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen saraakiishii ka socotay QM.AU iyo IGAD ayaa lagu sheegay inay la kulmeen Madaxweyne Axmed Madoobe,guddiga doorashada iyo xuduudaha,qeybaha kala duwan ee bulshada ayna ka dhagaysteen fikradahooda.

    โ€œWakiilada ka socda AU, IGAD iyo UN waxa ay xoojinayaan baahida loo qabo hab doorasho oo la isku raacsan yahay taasoo waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo kan Federalka,โ€ ayaa lagu yiri qoraalka.

    Waxa ay sidoo kale ku baaqeen xubanaha in la sii horumariyo habraaca doorashada ee guddiga doorashada iyo xuduudaha uu hogaaminayo ayna ka qeybqaataan dhammaan dhinacyada siyaasada ee Jubbaland.

    โ€œWaxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada Jubbaland inay ka fogaadaan wixii ammaan daro keeni kara iyo weliba cabsi gelin ayna khilaafkooda ku xaliyaan wadahadal si ay u helaan kalsoonida bulshada.

    Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika,IGAD iyo Qaramada Midoobay ay sii wadi doonaan dadaalada ay ku doonayaan in lagu xaliyo arrimaha Jubbaland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.