Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Jabuuti
    Somalia

    VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Jabuuti

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 18, 2019Updated:August 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

    Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaraaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda Jabuuti.

    https://www.youtube.com/watch?v=xeErlDTr0Ho&feature=youtu.be

    Labada Madaxweyne ayaa maalinta berri ah wada hadallo ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood.

    Booqashadan ayaa salka ku haysa aragti wadaagga ku saleysan iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

    Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.