Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso Nuxurka: Khudbadii Musharaxnimo ee Axmed Madoobe
    Somalia

    Akhriso Nuxurka: Khudbadii Musharaxnimo ee Axmed Madoobe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 20, 2019Updated:August 20, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii Hore ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ahna Musharax Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), ayaa Goor-dhaweyd Khudbadiisa Musharaxnimo u jeediyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland, ayaa ka hadlay Guulihii Xukuumaddiisu ay gaartay, Caqabadihii ka hor yimid iyo Qorshaha u dajisan hadii mar kale la doorto.

    Musharax Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Degaanada Jubbaland ayaa yiri “Jubbaland wax ay Juquraafi ahaan ka kooban tahay Saddex Gobolka oo ka mid ah dowladda Federalka Soomaaliya,waxa ay ahayd state-kii labaad ee ku dhisma nidaamka Federaalisimka ah.”

    Musharax Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Arrimaha Amniga ayaa yiri “Waxaan dhisnay mudadii ay Jubbaland jirtay Ciidan cudud leh oo tayaysan oo la dagaalama Argagixisada, Ciidankaasi waxa uu suurta galiyay in amnigeeda la sugo deegaanada gacanta lagu hayo.”

    “Waxaan qorsheynayaa 4-ta sana ee soosocata inaan dhismaha ciidaankenna dhameyatirno dhammaan anagoon cid kale ku xisaab tamayn inaan xoreyno deeganada maqan” ayuu intaas ku daray Musharax Axmed Madoobe

    “Waxaan ka shaqayn doonaa xoreynta deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland, oo ay ugu horeyso Caasimadda Jubbaland ee Bu,aale, maadaama Afartii sano ee hore aysan jirin cid naga caaawisa.”

    Madaxweynihii Hore ee Jubbaland ahna Musharax oo ka hadlayay Arrimaha Siyaasadda ayaa sheegay inay DFS kala shaqeyn doonaan talaabo walba oo dhanka hormarka ah, balse aysan aqbalayn damacyada ka baxsan danaha Dadka Soomaaliyeed.

    “Arrimaha siyaasadda waxaan doneynaa inaan DFS kala shaqeyno talaabo walba oo dhanka hormarka loo qaadayo yaraynta baahida iyo daruufaha dadkeenna, ka shaqeynta hormarinta bulshada ayaan ka wada shaqaynaynaa iyo dhammaan maamul wanaaga” ayuu yiri Musharrax Axmed Maxamed Islaam

    Sidoo kale, Musharrax Axmed Madoobe oo ka hadlayay dhinac Kaabayaasha dhaqaalaha ayaa sheegay inay Guulo waa weyn ay gaareen mudadii uu xilka hayay, waxaana uu si gaar ah u soo hadal-qaaday Dayactirka Dekedda Kismaayo.

    “Kobcinta dhaqaallaha ayaan wax ka qabanay gaar ahaan dayactirka dekedda iyadoo maraakib degay aan ka soo saarnay dekedda hadana laga shaqeynayo wali hawlaha dayactirka”.

    “Hormar ayaan ka sameynay dhanka hirgelinta garoomaha diyaaradaha ee degmooyinka Jubbaland iyadoo aad ogtihiin in degmooyin dhawr ah maanta dhanka garoomada ay aad u shaqeyaan isu socodkana sahlan yahay”.

    Axmed Madoobe oo ka hadlayay Qaxootiga Soomaaliyeed ee dib uga soo laabanaya Kenya oo Jubbaland ay xuduudka wadaan ayaa yiri “Arrimaha dib u dejinta dadka Qaxootiga ka soo laabtay waxaan hubaa inaan ka faa’idnay dadka dalka dib ugu soo laabtay oo ay shaqo wanaagsan ka hayaan hay’adaha dowladda waxaan ka sii shaqeyn donaana arrimaha dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed”.

    Ugu dambeyntii, Musharrax Axmed Madoobe oo ka hadlayay Adeegyada Garsoorka iyo Caafimaadka ayaa sheegay inay sare u qaadeen  Adeegyada Caafimaadka iyo Garsoorka, waxaana uu sheegay inay sii xoojin doonaan.

    “Waxaan sare u qaadi doonaa adeega caafimaadka waxaan rabnaa in la tayeeyo laga maarmo caafimaadka dibadda loo aadayo barnaamijka adeegga caafimaadka aad baan xooga u saarayaa dhanka” Musharrax Axmed M Islaam

    “Arrimaha Garsoorka wax badan baan ka qabanay oo is bedel muuqdo ayaan ku sameynay hay’adaha kala duwana waa loo dhameystiray” ayuu yiri Madaxweynihii Hore ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ahna Musharax Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe)

    Shabakadda Idil News

    _DHAMAAD_

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.