Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Doorashada Jubbaland (Akhriso)
    Somalia

    Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Doorashada Jubbaland (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururo sida Canada, Ethiopia, European Union, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM,IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa markale ku baaqay in doorashada Jubbaland ay noqoto mid loo dhan yahay.

    Beesha Caalamka ayaa waxa ay qoraalkan ku sheegeen inay dhammaan dhinacyada quseysa Jubbaland ay  ku dhiirigelinayaan inay gaaraan heshiis mid ah oo ku saabsan hal geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, cadaalad ah iyo nabad ah

    “Waxaan ka walaacsanahay Maqnaanshaha heshiiskaas inuu suura geliyo inay kororto xasilooni darro iyo kala qeybsanaan reer Jubbaland.”ayaa lagu yiri qoraalka.

    “Ka hor dhacdooyinka la qorsheeyay 22ka Agoosto 2019, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha in ay ka fogaadaan ficil kasta oo sababi kara rabshado. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada AMISOM ay ku abuureyso deegaan aamin ah oo ka jira Jubbooyinka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka

    “Ammaanka iyo xasiloonida Jubbaland uma ahan oo kaliya muhiim Jubbaland balse waxa ay tahay mid suurtogelinaysa in horumar kale laga gaaro arrimaha Siyaasada, dhaqaalaha iyo amniga dalka Soomaaliya.”ayaa lagu sheegay qoraalka.

    “Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada AMISOM ay ku abuureyso deegaan aamin ah oo ka jira Jubbooyinka, waxaanan dhiirigelineynaa isku xirnaanta ciidamada dhulka jooga. Waxaan ku boorineynaa dhammaan daneeyayaasha in ay la shaqeeyaan hanaan dowladnimo” ayaa ugu dambeyntii lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.