Taliyaha Qeybta 26-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle), oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa soo dhaweeyay hadalkii kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Maamulka Somaliland.
S/G. Gubadle ayaa sheegay in taliyaha Ciidamada Somaliland Gen Nuux Taani uu kala diray ciidamadii Somaliland, kadib markii uu shaqa ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya.