Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Doodaha Xagaaga ee Garoowe
    Somalia

    Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Doodaha Xagaaga ee Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 27, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkii Dib u heshiisiin bulsho iyo dimuquradiyad Waarta oo lasoo gabagabeyey waxana laga soo saaray warbixin ka kooban 9 qodob ee hoos ku qoran,

    1: Wasaarada Arrimaha gudaha federalka iyo dimuquraadiyeynta oo sanadka hormuud ka ahayd qabsoomida waxa ay dhamaan u mahadcelinaysa kasoo qaybgalayaashi shirwaynaha, madaxdii kasoo qaybgashay sida Madaxwaynaha Puntland, raisal wasaarihi hore ee Somaliya, wasiirada Arrimaha gudaha maamulada Hirshabele iyo koonfur galbeed, Aqoon yahan ka hayada SIDRA oo asaasatay madasha dooda xagaaga, jamacad PSU oo martigalisay, shirkada maamus iyo dhamaan howlwadeenadi Shirka,

    2: dhab u heshiisiin bulsho oo dadka Soomaaliyeed qaybihiisa ay saameeyeen dagalaadii sokeeye waxay asaas u noqonaysa Dib u soo celinta iyo xoojinta midnimada iyo sharaf kii Dowladnimada Soomaaliya,

    3: dhamaystir la’aanta dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka ee la xiriira federalaynta dalka waxa ay keentay khilaaf iyo jaahwareer aan dhamaanayn, kuwaas oo curyaamiyey xoojinta dowladnimada waxaana muhiim u ah in la dadajiyo dhamaystirka dastuurka iyo shuruucda kale habka loo maraayo noqdo mid daahuran oo laga wada qayb qaato,

    4: Xagjirnimada Dhalinyarada waa aafo dhib badan iyo halaag ku ah dhalinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyeen waxaa loo bahaam yahay qorshe dhamaystran oo lagu wajaho oo heerar kala duwan leh iyadoo lasoo jeediyey in la qabto shirwayne Soomaaliyeed oo si dhab ah loogu lafa guro si xal loogo heli lahaa Xagjirnimada,

    5: nidaam doorasho oo qof iyo cod ah waa sida kaliya ee muwaadinin ta Soomaaliyeed ku heli karaan matalaaad sax ah iyo isla xisaabtan, waxaa muhiim ah hirgelinta Nidaamkaas iyada Puntland hormuud u noqon karto qabsoomida doorashinkaas si Soomaaliya inteeda kale ugu noqoto tusaale,

    6: Soomaaliya doorosho xor iyo xalaal u ah ayaa u muhiim ah Inay ka qabsoonto xiliga loogu talagalay qaabka ay doorashadaasi u dhacayso waa in uu ahaado mid ku salaysan heshiis siyaasadeed ay gaaraan cida ay khusayso gaar ahaan Dowlada Federalka ah (xukuumada iyo golayaasha baarlamaanka) iyo Dowladaha xubnaha ka ah,

    7: waxaa la isku raacay in la sameeyo gudi farsamo oo ka socda bulshada rayid ka ah oo kala taliya gudiga baarlamaanka ah sharciga doorashooyinka Soomaaliya,

    8: cadaaladu waa asaaska jiritaanka umad walba sidaa darteed waxaa la taageeray in ahmiyad gaar ah la siiyo horumarin ta cadalaada dalka, sidoo kale waxaa bulshada Soomaaliyeed loogu baaqay inay Iska dhayaan dhibaatooyin ka uu keenay dagaalka sokeeye wixii hanti ah oo muuqaantana la isku celiyo la isna cafiyo,

    9: waxaa la bogaadiyey dooda xagaaga iyada oo SIDRA loogu baaqay inay joogteeyaan doodaha waxaa kasoo baxana lafaafiyo lalana wadaago dadwaynaha Somaliyed iyo daneeyayaasha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.