Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Madasha TICAD (Daawo Sawirro)
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Madasha TICAD (Daawo Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 29, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Xasilloonida Geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan dalalka Geeska Afrika.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

    “Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay bilow fiican kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dadaalladii dib u heshiisiineed iyo iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.”

    Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ka soo qeyb galay shir-doceedkan ku saabsanaa arrimaha Geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka.

    Fadhigan gaarka ah waxaa si wadajir ah u guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed, waxaana ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Dalka Japan Mudane Shinzo Abe, Guddoomiyaha Midoowga Afrika Mudane Mussa Faqi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Antonio Guterres, Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Koonfurta Suudaan Mudane James Wani Igga, Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka, Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Ereteriya Mudane Cusmaan Saalix, Kenya Marwo Monica Juma, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo daneeyeyaasha gobolka, maalgashadeyaal caalami ah iyo khuburo dhaqaale oo lagu marti qaaday Madasha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.