Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Axmed Karaash “Kufsigu wuxuu ka sii-xagjiraa dhagar-qabayaasha Al-Shabaab” (Sawirro)
    Somalia

    VIDEO: Axmed Karaash “Kufsigu wuxuu ka sii-xagjiraa dhagar-qabayaasha Al-Shabaab” (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta cilmi baadhista Puntland PDRC kaga qayb galay xuska sanad guurada 25-aad ee shirweynaha caalamiga ah ee Dadka iyo Horumarka.

    Xuska Sanad Guurada 25-aad ee Shirweynaha Caalamiga Ah ee Dadka iyo Horumarka ayaa loo asteeyey in sanadkiiba maalintan oo kale la qabto, waxaa ay salka ku haysaa horumarinta dadka ee arrimaha waxbarashada,caafimaadka, xuquuqda, naas-nuujinta, la-dagaalanka tacadiyada, sida Kufsiga iyo Gudniinka Fircooniga ah iyo yaraynta dhimashada la xidhiidhta Dhalmada ( Ummul Arooridda iyo Nafaqo darida xilliga uurka).

    Ku-simaha Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay maalintani ayaa tilmamay inay tahay maalin muhiim ah maadaama ay ku astaysan tahay maalinta Dadka iyo Horumarka ee arrimaha Waxbarashada Caafimaadka, xuquuqda iyo suurinta tacadiyada soojireenka ah, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in hablaha Soomaaliyeed laf-dhabar u yihiin bulshadooda, ayna mudan yihiin in laga fekero mustaqbalkooda.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Dowladda Puntland muhiimad gaar ah siiso kobcinta arrimaha haweenka, waxaana uu beesha caalamka kubooriyey in ay qayb ka noqdaan dedaalka arrimahaasi ee ka hortagga tacadiga dumarka, waxbarashadooda iyo caafimaadkoodaba, Madaxweyne Karaash waxaa uu tilmaamay in tacadiga dumarka, gaar ahaan Kufsigu ka sii-xagjiro dhagar-qabayaasha Al-shabaab iyo kuwa la halmaala.

    Xuska maalintani muhiim ka ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana Ku-simaha Madaxweynaha kala qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Xubin ka tirsan Golaha Shacabka DFS, madaxda hay’addaha UN-ka, ururada bulshada rayid ka ah, siyaasiyiin, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.