Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Soomaaliya oo iska diiday dalabkii Kenya
    Somalia

    Dowladda Soomaaliya oo iska diiday dalabkii Kenya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 4, 2019Updated:September 4, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u dalbatay in la hakiyo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeya Soomaaliya,hayeeshee waxaa arrintaasi ganafka ku dhuftay oo diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Kenya ayaa codsigeeda qiil uga dhigtay inay dooneyso in la siiyo waqti ay ku qoroto qareeno cusub,waxaana dad badan aaminsan yihiin in Kenya dalabkaasi uu ku dhaliyay kalsooni laโ€™aan ka heysata inay dacwasdaasi ku guuleysato.

    Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Kheyr oo ka hadlayay Kulanka golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in wacwadaas ay Maxkamada ICJ ay hortaalo in ka badan Shan sano,isla markaana dowladda Soomaaliya aysan aqbaleyn Codsiga Dowladda Kenya.

    Waxaa uu sheegay In Dowladda Somalia ay ku kalsoon tahay qaadista dacwada Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana uu rajeynayo in Soomaaliya ay guul ka keento qaadista Kiiska Dacwada oo la qorsheeyay inay dhacdo Isniinta soo socota.

    Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2016-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

    Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo,waxaana Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.