Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay tahay sababta Maxkamadda ICJ ay dib ugu dhigtay Kiiska Dacwadda Badda ?
    Somalia

    Maxay tahay sababta Maxkamadda ICJ ay dib ugu dhigtay Kiiska Dacwadda Badda ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 6, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa ku dhawaaqday in muddo labo bilood dib loo dhigay dhageysiga dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

    Goโ€™aanka Maxkamadda ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Kenya ay dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga dacwada oo loo balansanaa 9-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota.

    Safiirka Soomaaliya u fadhiga Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in sida Kenya ay dalbatay oo ahaa in Dacwada dib loo dhigo 12 bilood aysan Makamaddu ku raacin, dhageysiga dacwada dib loo dhigay 2 bilood oo kaliya.

    Dhageysiga Kiiska Badda ayaa la qorsheeyay inay dhacdo horaanta bisha November ee sanadkan 2019.

    Kenya ayaa maalmihii u dambeeyay waday marmarsiyo ku aadan in kiiska dacwadda Badda dib loogu dhigo, inta ay Qarreeno cusub ka soo magacaabaneyso, kaddib markii ay kala dirtay kuwii hore.

    Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid ay dooneysay inay Kenya ku joojiso fashilka iyo guuldarada ay kala kulmi laheyd dhageysiga dacwada Badda ee qorsheysnaa inuu dhaco 9-13-ka bishan September.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.