Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya oo wareejisay Shir Guddoonka Jaamacadda Carabta
    Somalia

    Soomaaliya oo wareejisay Shir Guddoonka Jaamacadda Carabta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 11, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ayaa shir guddoonka Shirkaasi ku wareejiyay dhigiisa dalka Ciraaq Maxamed Cali Xakiim.

    Wasiir Cawad oo hadal kooban ka jeediyay Shirka Wasiirada Carabta ayaa sheegay in qadiyada falastiin ay ahaaneyso qadiyada koowaad ee wadamada Carabta ilaa iyo inta laga helayo dowlad madax bannaan oo falastiin leedahay Caasimadeeduna tahay Magalada Qudus.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in wadamada Carbeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa xiisadaha iyo qalalaasaha ka taagan wadamada Carbeed qaarkood,sida Libya,Yemen iyo Suuriya

    Dhinaca kale isaga oo ka hadlayay Wasiir Cawad Arrimaha Soomaaliya ayuu sheegay inay weli jirto qatarta waxa loogu yeero Argagaxisada deegaannada qaar,waxaana uu ugu baaqay dowladaha Carabta ay Soomaaliya u baahan tahay in laga taagero dib u dhiska lana fuliyo balan qaadyadii ay horay ugu sameeyeen.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudo Lix bilood ah ahaa Shir guddoomiyaha  Golaha wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta,isaga oo guddoomiyay Shirar dhowr ah oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Carbeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.