Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midowga Yurub oo dib u bilaabaya Mashruuca dhismaha Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo
    Somalia

    Midowga Yurub oo dib u bilaabaya Mashruuca dhismaha Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Midowga Yurub ayaa balanqaaday inuu mar kale dib u bilaabi doono Mushruuca dhismaha wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, taas oo dhismaheeda la joojiyay Bishii September ee sannadkii 2018.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolรกs Berlanga Martine ayaa kulan ay ku yeesheen Magalada Garoowe ku xaqiijiyeen in Midowga Yurub uu markale dib u bilaabi doono dhismaha wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo markii la joojiyay ay Sanad kasoo wareegtay.

    Dhismaha Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa sababaha loo joojiyay waxaa kamid ahaa eedeymo la xiriirtay musuq maasuq, kuwaas oo loo jeediyay Hayโ€™adda Waddooyinka Puntland ee PHA.

    Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolรกs Berlanga Martine, oo qeyb ka ah Martida ka qeyb-galaysa Shirweynaha Maal-gashiga Puntland, ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu dhowaan dib u bilaabayo Dhismaha Wadadan, oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka u kala Golaha Gobalada Soomaaliya.

    Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone dโ€™urso iyo Andreas Pesxhke ayaa sanadkii 2015 siwadajir ah waxaa ay u saxiixeen mashruuca lagu dhisayo wadadaasoo la shegay inay ka baxeyso lacag dhan $21 malyan oo Dollar.

    Dowladda Jaramalka ayaa qeyb ka ah mashruucaan lagu dhisayo wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, iyada oo bixineysa $18 malyan oo kamid ah $21 malyan ee ku baxeysa dhismaha wadadaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.