Howl-wadeeno katirsan Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ku xayiran Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu saameeyay Goโaankii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu joojiyay duulimaadyadii tegi jiray Kismaayo.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Aadan Ibraahiim Aw Xirsi, ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Wasaaradiisa ay Maalintii labaad ku kal xayiran yihiin Muqdisho iyo Kismaayo,kuwaas oo doonayay inay howlo Shaqo qaarkood u soo aadan Muqdisho qaarna uga baxaan oo ay dib ugu laabtaan Kismaayo.
โDhawr hawl-wadeen oo u shaqeeya Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland oo qaarna shaqo u joogey qaarna u soo aadi lahaa ayaa maalintii labaad ku kala xanniban Kismaayo iyo Xamar ayuu yiriโWasiir Aw Xirs.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyadii aadi jiray Magalada Kismaayo illaa 26-Sept-2019, waxaa uu saameen ku yeeshay dad badan oo shacab iyo masโuuliyiin ku jiraan,kuwaas oo haatan kala jooga Muqdisho iyo Kismaayo.
