Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Feysal Rooble “Abaalmarinta Concordia waa mid hooseysa oo Madaxweyne arrin weyn ka dhigan karin”
    Somalia

    Feysal Rooble “Abaalmarinta Concordia waa mid hooseysa oo Madaxweyne arrin weyn ka dhigan karin”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Feysal Rooble oo ah Aqoonyahan iyo falanqeeye Arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay abaal marintii Concordia ee shalay lagu guddoonsiiyay Magaalada New York Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay abaal marintaas mid hooseysa oo aan loo baahneyn in Madaxweynaha ka dhigin arrin weyn.

    Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu tilmaamay inay wanaagsan tahay in si daacadnimo ah runta loo sheego, isagoo ka warbixiyay waxa ay u taagan tahay Concordia.

    Runta Waa In Si Daacadnimo Ah Loo Sheego.

    Saaxiibkey ayaan ka arkay Xog-dhigaalkan. Waxaan filayaa in Danjiraha wanaagsan ay ahayd inuu ku sameeyo baaritaan waxa ay tahay Abaalmarinta Concordia. Aqoonsiga qofku waa mid wanaagsan. Laakiin tani waxay liiditaan ku tahay Madaxweynaha Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, Waxay daciifnimo ku tahay Wakiil waxbartay sida saaxiibkey inuu arrintaan nooga dhigo guul mudan aqoonsi qaran taasoo aan ahayn, Waxaa la adeegsanayaa been-abuur si guul looga dhigo meel aan waxba ka jirin.

    Concordia waxaa sameeyey urur yar oo buunbuuniya mashaariicda caalamka oo aqoonsata dadka ka shaqeeya ururradaas. Qaar ka mid ah dadkii la siiyey Abaalmarinta Concordia waxaa ka mid ah:

    Gloria Malone, oo ah aasaasaha ururka “Teen Mom” ee magaalada New York iyo Mohamed Yonis oo isna leh ‘Micro Loan ee dalka Banhladesh.

    Ujeedkeyga aan ku iftiiminayo dhacdadan waa rabitaan aan doonayo inaan ku dhiirrigeliyo kuweenna waxbartay si ay u yeeshaan tayo oo aysan u marin-habaabin dadkeenna. Postiga aan ka hadlayo wuxuu dirayaa farriin qaldan sida in adduunku uu aqoonsaday guulaha Madaxweyne Farmaajo sidaasna ma aha arrintu.

    Indheer-garadka mas’uuliyad ayaa ka saaran inay runta xoojiyaan iyagoo aan daacadnimada ka tegin. Soomaalida wey taqaan “Guulwadeyn” si la mid ah sida Afrikaanta Mareykanku ay meel fog uga ogaadaan Cunsuriyadda.

    Abaalmarinta Concordia waa mid hooseysa oo uusan Madaxweyne arrin weyn ka dhigan karin. Abaalmarinta Concordia waa (NGO) yar oo xiriir la leh Jaamacado tayadoodu liidato oo saldhiggoodu yahay Virginia.

    Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha Soomaaliya inuu maalin heli doono Abaalmarin u dhiganta sharafta iyo guulaha xafiiskiisa. Maalintaas ayaan la dabbaaldegi doonnaa laakiin tani ma aha Abaalmarin.

    Faisal Rooble.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.