Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya oo diiday in ay saxiixdo heshiis uu soo diyaariyay Urur IGAD
    Somalia

    Soomaaliya oo diiday in ay saxiixdo heshiis uu soo diyaariyay Urur IGAD

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diiday inay saxiixdo xeer  is dhexgal oo si wada jir ah ay u diyaariyeen waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD, kaas oo la xariira isu socodka dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool goobaha ay xuduudaha ka leeyihiin dalalka Ururka.

    Shir ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda oo lagu saxiixayay heshiiskaas ayaa wakiilka ay u dirsatay dowladda Soomaaliya waxa uu diiday in uu in uu saxiixo heshiiskaas, isagoo  sheegay in dowladda Soomaliya inta aysan saxiixin heshiiskaan ay u baahan tahay in fursad loo siiyo sidii la tashi ay ula soo sameyn lahayd maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

    Si la mid ah dowladda Itoobiya ayaa diiday in ay saxiixdo heshiiskaas, Itoobiya oo sida Soomaliya uu ka jiro nidaam federaal ah ayaa  noqotay wadanka soo labeeya Soomaaliya ee diiday heshiiskaas, waxayna dalbatay Itoobiya si la mid ah Soomaaliya in la siiyo fursad ay uga soo baaraan degto saxiixa hesghiiskaas.

    Haddii la saxiixo xeerkan oo ay ku jiraan 32 qoodob oo ayaa u ogolaanaya dhammaan dadka xoolo dhaqatada ah in waddamada ku bahoobay IGAD ay u roob raaci karaan dalka uu roobka iyo daaqa xoolaha ka jiro, iyagoo ka gudbi kara xuduuda shuruud laโ€™aan, waxaana dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ugu dambeyn la siiyey muddo labo bil ah in ay uga soo baaraan degaan waxa ay ka yeelayaan meel marinta sharcigaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.