Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Furitaanka Kalafadhiga 6-aad ee Baarlamaanka oo u xayiran Madaxweyne Farmaajo
    Somalia

    Furitaanka Kalafadhiga 6-aad ee Baarlamaanka oo u xayiran Madaxweyne Farmaajo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 29, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dib u dhac ayaa ku yimid furitaankii Kalafadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo sida qorshuhu ahaa la filayay inuu furmo 27-dii bishan September, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo ku aadan dib u dhaca ku yimid furitaanka Kalafadhiga.

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeyay Xukuumadda Federaalka in ay hor-taagan tahay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka, iyadoo adeegsaneysa xubnaha Wasiirada ah ee katirsan Baarlamaanka.

    Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris Ganey oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda Raโ€™iisulwasaare Kheyre ay hor-taagan tahay Shaqadii Golaha Shacabka oo ay shaqooyin muhiim ah hor-yaalaan.

    Xildhibaan Ganey ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Guddoonka Golaha Shacabka, ay gabeen waajibkoodii Dastuuriga ahaa, ayna u muuqdaan kuwo iloobay inay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ay tahay sida Dastuurku qabo inuu furo kal-fadhiyada Golaha Shacabka, iyadoona haatan uu ku sugan yahay Madaxweynuhu dalka Mareykanka, islamarkaasina la sheegay in uu ka qeybgali-doono shirka Wadamada Afrika iyo Ruushka dhex-maraya, waxaan intaasi uu noqonayaa Golaha Shacabka mid sugaya furitaanka Madaxweyne Farmaajo.

    Si Kastaba ha ahaatee, Xaalada Guud ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa marxalad adag, waxaana loo aaneynayaa Burburka ku yimid Baarlamaanka โ€“aad ee Dalka, kaas oo eersaday qorshaha Madaxda DFS ay 70% ka badan Xukuumadda uga dhigeen kuwo ka yimid Golaha Shacabka, halka tiro kale oo Xildhibaano ahna gacanta loo galiyay Mashaariic si ay uga gaabsadaan qorshayaasha Madaxda iyo Xeerarka la hor-geeyo Golaha Shacabka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.