Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaal dhanka sirdoonka ah oo ka dhex bilowday Soomaaliya iyo Kenya
    Somalia

    Dagaal dhanka sirdoonka ah oo ka dhex bilowday Soomaaliya iyo Kenya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 29, 2019Updated:September 29, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dalkaasi uu galay Cabdiwaaxid Khaliif Axmed oo loo yaqaano Ciise tarabuun waxayna dadka ka dalbatay in ay booliiska kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan.

    Sawir lagu daabacay barta Twitter-ka Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in uu yahay Ciise Tarabuun oo ah muwaadin Soomaaliyeed kaasi oo la rumeysanyahay in uu Kenya tagay 24-kii Bishaan.

    “Si deg-deg ah ugu soo war geli Saldhigga Booliiska ee kuugu dhow” ayuu Booliisku u sheegay shacabka Kenya.

    Qaraalka uu Booliisku ku daabacay ciwankiisa twitter-ka kuma uusan sheegin sababta loo beegsanayo Ciise Tarabuun iyo in hadii uu ka tirsan yahay Al-shabaab.

    “Qofkii arka ama warbixin ka haya waa in uu deg-deg nooga soo wacaa lamabarkeena 999” ayuu sidoo kale Booliiska Kenya shacabka ku wargeliyay.

    Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa war uusaaray 19-kii June 2017 waxaa uu ku sheegay in Ciidanka Amnigu ay soo qabteen C/Waaxid Khaliif Axmed, Ciise Tarabuun oo ahaa Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Banaadir.

    Ciise Tarabuun waxaa lagu soo qabtay howlgal ay Ciidanku ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

    Wasiir Ducaale waxaa uu sheegay in cadaaladda lasoo taago doono Ciise Tarabuun.

    Farqi ayaa u dhexeeya magac saxda ah ee Dowladda Kenya iyo Dowladda Soomaaliya ku sheegeen  Ciise tarabuun.

    Kenya ayaa magaciisa ku sheegtay Cabdi Waaxid Khaliif Cabdi Ilyas, halka ay Dowlada Soomaaliya magaciisa ku sheegtay C/Waaxid Khaliif Axmed, balse waxay ka mideysanyihiin magaca Ciise Tarabuun.

    Hadaba, hadii uu sax yahay warka Kenya waxaa la isweydiinayaa sidee Ciise Tarabuun uga baxsaday gacanta Hey’adaha Amaanka Soomaaliya iyada oo aan cadaladda lasoo taagin?

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.