Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Beyle oo beeniyay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee Washington!!
    Somalia

    Wasiir Beyle oo beeniyay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee Washington!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 29, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo dhowaan hadal ka jeediyay munaasabad uu xariga uga jaray dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu dhishay dhismaha Safaaradda uu yahay kii lagu ridi jiray Raโ€™iisulwasaarayaasha oo uu aruuriyay.

    Madaxweyne Farmaajo oo u muuqday inuu ku dhaga hadlayo madaxdii ka horeysay ee soo hoggaamisay waqtiyadda adag, soona gaarsiisay nidaamyada Dowliga ah ee yar, ayaa xusay in 2 Milyan ee lagu dhishay safaaradan ay tahay tii lagu ridi jiray Raโ€™iisulwasaarayaasha.

    Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa dood adag ka dhex abuuray Baraha Bulshada iyo Fagaarayaasha Bulshadu ku kulanto, iyadoona dadka qaarkii ay Madaxweynaha ku tilmaameen ninaan laheyn aragti iyo Akhlaaq Siyaasadeed, ayna cindigiisa saldhigatay Been iyo inuu marin habiibiyo Hormaradii Dalka ay soo gaar siiyeen Madaxdii ka horeysay, uuna isagu isku ammaano Daacadnimo iyo inaan Dowladnimo ka horeyn.

    Dadka qaar ayaa qaba in ay mudan tahay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka la weydiiyo halka Dowladdiisu ka keentay dhaqaalaha ka badan 2 Milyan ee uu sheegay in lagu ridi jiray Raโ€™iisulwasaarayaasha Xukuumadihii ka horeeyay ee kala ah;

    1: Lacagtii lagu riday JAWAARI.?
    2: LACAGTII lagu riday Ali Osoble.?
    3: Lacagtii doorashada Puntland.?
    4: Lacagtii lagu riday Shariif Xassan.?
    5: Lacagta lagula dagaallamayo Jubbaland.?
    6: Lacagta lagu kala diray GALMUDUG
    7: Lacagta lagu jiifo Jasiira & Peace Hotels.?
    8: Lacagta Kaadiriinta degmooyinka.?
    9: Lacagta Shuucitiinta degmooyinka gobolka
    10: Lacagta wakiillada Villa Somalia.?
    11: Lacagta kooxda propaganda โ€“ da

    Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Beyle, oo ka hadlay dhaqaalaha ku baxay dhismaha cusub ee Safaaradda Somaaliya ee Washington ayaa sheegay inuu yahay dhaqaale ay ka jareen deeqda lacageed ee ay siiso Dowladda Qatar, waxaana hadalkani uu burinayaa Warka Madaxweyne Farmaajo ee ahaa inay Dowladdiisu aruurisay Lacagtan.

    Si kastaba ha ahaatee, Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa xaqiijiyay in Dhaqaalaha lagu dhisay Dhismahan cusub ee Safaaradda uu yahay mid kasoo haray 8 Milyan oo laga bixiyay dhismihii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington, kaas oo Dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay dhigtay bangi ku yaalla Dalka Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.