Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka Jubbaland oo howlgallo ku dilay Saraakiil Al-Shabaab ah (Sawirro)
    Somalia

    Ciidanka Jubbaland oo howlgallo ku dilay Saraakiil Al-Shabaab ah (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 7, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin ku dhow dhow deegaanka deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55KM dhanka bari kaga beegan Magaalada Kismaayo.

    Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo ku sugnaa tuulooyinka howlgalka laga fuliyey.

    Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed sheegay in howlgalkaas ay ku dileen Saraakiil ay kamid ahaayeen madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa deeganada galbeed ee Kismaayo iyo madaxii Miinooyinka oo lagu kala magacaabi jiray Tasmiir iyo Cadaani sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Daraawiishta jubbaland ay gebi ahaanba gacanta ku hayaan Tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Cabdalla Biroole oo ay Maanta Ciidamadu howlgalka qorsheysan ka fuliyeen.

    Warkaan kasoo baxay Saraakiisha  Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku aadan inay howlgal ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaanan weli jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay, iyada oo weli dhankooda ka hadlin Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.