Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ka cabanaya Villa Soomaaliya
    Somalia

    Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ka cabanaya Villa Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in guddiga ay la soo gudboonaatay caqabad dhanka shaqada ah oo la xiriirta dhex daganaanta guddiga ee Villa Soomaaliya.

    Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan doorashooyionka Qaranka  Xaliima Ismaaciil Yarey ayaa sheegatay in guddiga ay dhibaato  ka heysato dhanka shaqada, madaama guddiga xafiiskiisa uu dhex degan yahay Villa Soomaaliya.

    Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegtay in guddiga horay loo siiyay dhul weyn walina aan loo dhisin, guddoomiye Xaliimo ayaana carabka ku dhufatay in guddiga uu baahan yahay inuu ka dhex baxo Villa Soomaaliya si dhammaan uu ugu sinaado xisbiyada siyaasadda ee dalka ku loo lamaya.

    Dhanka kale guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ee Soomaaliya Beesha caalamka iyo cid waliba oo daneynaysa in dalka doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo ay ku taageeraan sidii guddiga uu dagi lahaa booskii horay loogu qorsheeyay, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa โ€Waxaan marka kale ku celinaynaa guddiga dhul weyn ayuu leeyahay, cid kasta oo Soomaaliya oo doorasho dan ka leh iney nagu taageerto sidii aan meeshaas ku dagi laheyn oo xafiisyo aan uga heli laheen, waxaa kale oo aan aad u weydiisaneynaa dowladda Soomaaliyeed in ayaduna nagu taageerto, sidoo kale beesha caalamka arrimaha dhaqaalaha iyo farsamada Soomaaliya ayaguna indhaha aysan iska tirin ee ay nagu caawiyaanโ€

    Hadalka maanta ka soo baxay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa imaanaya ayadoo guddiga uu dhex dagan yahay gudaha Villa Soomaaliya, taas Xisbiyada qaar ay ku dhaliileen in guddiga uusan aheyn guddi madax banaan walaacna ka muujin shaqadiisa gudaha Villa Soomaaliya uu ku shaqeeyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.