Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay furitaanka Beerta Midnimada Itoobiya (Sawirro)
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay furitaanka Beerta Midnimada Itoobiya (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 11, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

    “Dhinacayaga, waxaa naga go’an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalkeenna, taas oo ay fududeynayso duullimaadyada tooska ah ee maalinlaha ah.”

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

    Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha dalalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay dalalka Gobolka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.