Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Puntland oo guddi u saaray dil ka dhacay Garoowe+Sawirro
    Somalia

    Baarlamaanka Puntland oo guddi u saaray dil ka dhacay Garoowe+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), ayaa guddi ka kooban 9 Xildhibaan u saaray dil habeen kahor ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaas oo sababay Banaan-baxyo rabshado wato oo shalay ka dhacay Garoowe.

    Guddoomiye Dhoobo-daareed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Odayaasha iyo Ehelada Marxuumka oo ay dileen Ciidanka Boolis, waxaan ugu tacsiyeeyay Geerida Marxuumka, isagoona sidoo kale ugu baaqay Shacabka inay ilaaliyaan Nabad-gelyada, sida uu Bartiisa Facebook ku daabacay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

    “Waxaa mantay Xarunta golaha Shacabka Puntland yimid odayaasha iyo ehelada Marxuumkii lagu dilay Magaalada Garoowe oo aya ka dhasheen rabshado iyo mudaharaad Bulsho waxaa gudoomiyaha goluhu uga tacsi Yeeyay ehelkii wuxuuna u magacaabay guddi Xildhibaano( 9) xubnood ah waxaana Dadwaynaha la faray inay ilaaliyaan nabad Galyada waxay qayb ka noqon doonan Xildhibaanadu dadaalkii socday si Cabashada Dadweynaha Xal loogu helo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

    Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa shalay dhigay banaan-baxyo rabshado, kaddib markii Ciidanka Boolisku toogteen Nin shacabka, waxaana socda baaritaano ay wadaan Hay’adaha ammaanka Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.