Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo u hambalyeeyey Xildhibaan Axmed Xuseen
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo u hambalyeeyey Xildhibaan Axmed Xuseen

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca shacabka iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa uu hambalyo u dirayaa Xildhibaan Axmed Xuseen oo ay dib u doorteen shacabka dalka Canada mar labaad, waxaa uu hadda sidoo kale yahay Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qoxootiga dalkaasi.

    Madaxweyne Deni ayaa xusay in Xildhibaan Axmed Xuseen uu yahay masuul Soomaaliyeed oo huwan magaca, sharafta iyo milgaha ummadda Soomaaliyeed, Waxa uu tilmaamay in garab muuqda uu siiyey dad badan oo African ah mudadii uu xilka hayey, Wasiirka ayaa xubin firfircoon ka ah xisbiga Liberal-ee dalkaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Xuseen uu yahay shaqsi wanaagsan oo ka adag shaqadiisa.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey xildhibaanka, Ahna Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qaxootiga Dalka Canada Axmed Xuseen inuu u fududeeyo shaqada muhiim ka ah ee uu u hayo shacabka dalka Canada, Isla markaana waxa uu Rabbi “SWC” uga baryey inuu u sakhiro muraadkiisa siyaasadeed, kan shaqo iyo mid shakhsiyadeedba.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.