Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga iyo Ruushka oo heshiis kala saxiixday
    Somalia

    Turkiga iyo Ruushka oo heshiis kala saxiixday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayeb Erdowan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay heshiis ay ku tilmaameen mid taariikhi ah, kaasoo uu Ruushka ku ayiday qorshaha Turkiga uu zoon dagaalka ka caan uga dhigayo Waqooyiga Suuriya ilaa xadka Turkiga.

    Heshiiskan ayaa kasoo baxay kaddib kulan muddo shan saacadood qaatay oo ay madaxweyne Erdowan iyo madaxweyne Putin shalay ku qaateen magaalada Sochi ee dalka Russia.

    Qodobada heshiiska ku jiro ayaa waxaa ka mida ah inuu sii socdo howlgalka uu Turkiga ka wado waqooyiga Suuriya. In malleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ay 30 kilo mitir ka fogaadaan xadka Turkiga uu la wadaago Suuriya, haddii kalana la burburin doono hubkooda iyo dhufeysyadooda.

    Waxaa kale oo ay Turkiga iyo Ruushka ku heshiiyeen, in ciidamada labada dhinac ay roondo ka billaabaan jihoonka bari iyo galbeed ee aagga uu Turkigu rabo inuu goob dagaalka ka caan ka dhiso ee waqooyiga Suuriya, iyagoo ciidamada ku gaaf-wareegi doono dhul gaaraya 10 km oo ka shisheen doona halka la rabo in la dejiyo qaxootiga Suuriya ee hadda jooga Turkiga.

    Dowladda Turkiga waxay sheegtay in tan iyo inti uu billowday duulaanka ay ku qaaday Waqooyiga Suuriya ay ku dishay 775 ka mid ah xoogaga Kurdiyiinta, dhankoodana laga dilay 7 askari iyo 79 ka mid ah maleeshiyaadka jabhadda mucaaradka Suuriya ee ka barbar dagaallamaya hadda ciidanka Suuriya.Waxay kaloo sheegeen in rayidka ku dhintay ay gaarayaan 20.

    Laakin heyโ€™adda xuquuqda aadanaha ee kor kala socota colaada sokeeye ee Suuriya, fadhigeeduna yahay Britain ayaa sheegtay in dagaalka ka socda waqooyiga Suuriya ay ku dhinteen 120 qof oo rayid ah, 259 ka mida ah xoogaga kurdiyiinta, 196 ka tirsan jabhadaha Suuriyaanka ah ee la safan dowladda Turkiga iyo 7 askari oo Turkish ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.